Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Xildhibaanad ku dhaawacantay muran gacan ka hadal dhaliyay oo dhacay baarlamaanka Kenya

Xildhibaanad ku dhaawacantay muran gacan ka hadal dhaliyay oo dhacay baarlamaanka Kenya

Waxaa lagu soo warramayaa in xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dalka uu dhaawac soo gaaray ka dib markii muran gacan ka hadal dhaliyay u dhexmaray qaar ka mid mudanayaasha kala taabacsan dhinacyada dowladda iyo mucaaradka.
Arrintan ayaa timid ka dib markii guddoomiyaha baarlamaanka dalka Moses Wetangula uu ansixiyay in Sabina Chege oo golaha xeer dejinta si magacaabid ah ugu biirtay ay sii ahaan doonta ku xigeenka madaxa abaabulka ee siyaasiyiinta laga tirada badan yahay ee isbeheyga Azimio La Umoja-One Kenya.
Isbeheysiga Azimio ayaa jagadan horraan uga xayuubiyay Sabina Chege.
Xildhibaanadda dhaawacantay ayaa la sheegay inay tahay Sabina Chege.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in 7 ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka ee muddo labo toddobaad laga mamnuucay in kal-fadhiyada baarlamaanka ka soo qayb galaan.
Xildhibaanada 2-da toddobaad kal-fadhiyada baarlamaanka laga mamnuucay ayaa kala ah Millie Odhiambo, Rosa Buyu, Sabina Chege iyo TJ Kajwang, halka Fatuma Muyanzi iyo Catherine Omanyo lagu amray in muddo 5 maalmood ah ka maqnaadaan fadhiyada baarlamaanka.
Waxaa sidoo kale labo fadhi baarlamaanka laga mamnuucay wakiilka haweenka ee ismaamulka Machakos Joyce Kamenena.
Madaxa siyaasiyiinta laga tirada badan yahay ee baarlamaanka Opiyo Wandayi oo xubin ka ah isbeheysiga mucaaradka ee Azimio ayaa ku hanjabay in golaha uu horkeeni doono mooshin kalsoonida lagala laabanaya guddoomiyaha golaha qaran ee xeer dejinta Moses Wetangula.
Waxaa uu ku eedeyay inuu u xagliyay isbeheysiga talada wadanka haya ee Kenya Kwanza.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments