Dad ay tiradoodu gaaraysa 42,000 ayaa laga cabsi qabaa inay daadad ku saameeyaan magaalada Ukraine ee uu Ruushka gacanta ku haya ee Nova Kakhovka.
Tani ayaa imaanaysa ka dib markii weerar lala eegtay biyo xireenka magaaladaasi taasoo keentay inuu burburo.
Dowladda Ukraine ayaa falkaasi ku eedeysay Ruushka.
Madaxweynaha Ukraine ,Volodymyr Zelenskyy ayaa su’aal geliyay dadaallada daadgureynta ee Ruushka ee magaaladaasi wuxuuna ku tilmaamay fashil buuxa.
Waxaa uu madaxweynaha Ukraine ku baaqay in shacabka la siiyo biyo ay cabbaan sidoo kalena dib u dejin loo sameeyo wararka ayaana intaasi ku daray in dad badan ay barakeen iyadoo laga cabsi qabo saameynta fatahaadda.