Madaxweynaha dalka oo sheegay inay qasab tahay in la qaato go’aamo adag

0
253

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa xilli uu maanta ka hadlayay munaasabad qaran oo duco ah oo lagu qabtay maqaaxida Safari Park ee magaalada Nairobi waxaa uu sheegay inay qasab tahay in la qaato go’aamo adag oo geesinnimo leh.
Waxaa uu mar kale difaacay hindise maaliyadeedka sanadkan iyo qorshaha dowladda ee uruurinta canshuuro dheeraad ah.
Madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyay in maamulkiisa uu diiradda saari doono in wadanka uu adeegsado dhaqaale uu heli karo iyadoo la yareynaya deymaha la qaato sido kalena dib u habeyn lagu sameynaya canshuur uruurinta si sare loogu qaado dakhliga.
Miisaaniyad sanadeedka dowladda ee sanadka 2023-2024-ka ayaa gaaraya 3.6 Triliyoon oo shilin.
Ruto ayaa hoosta ka xarriiqay in laga soo gudbay xilliyadii la adeegsan jiray xeeladaha dib u dhigidda iyadoo fashil laga cabsanaya.
Waxaa uu intaasi ku daray in dadka fuleeyiinta ah ay adeegsadaan cudur daar.
Madaxweynaha ayaa raja wanaagsan ka muujiyay in canshuuraha uu soo rogaya maamulkiisa ay ugu dambeyn wax wayn ka beddeli doonaan wadanka.
William Ruto ayaa kenyaanka ku boorriyey inay guntiga adkeystaan marka la meel mariyo hindise maaliyadeedka Finance Bill 2023.
Waxyaabaha ku xusan hindise maaliyadeedka ee uu madaxweynaha difaacay waxaa ka mid ah in shaqaalaha iyo xarumaha ay ka shaqeeyaan lago jaro boqolkiiba 3 ee mushaarka si lacagtan loogu biiriyo barnaamijka ay dowladda ku dhisaysa guriyo tayeysan oo qiimo ahaan la awoodi karo.
Madaxweynaha ayaa ku nuuxnuuxsaday in qorshaha maamulkiisa uu meesha uga saaraya xaafadaha isku raranta ah uu yahay mid aan laga laba-labeyn doonin.
Tani ayaa ku soo beegmaysa iyadoo guddiga baarlamaanka u qaabilsan arrimaha maaliyadda ee uu hoggaamiyo xilddhibaanka Molo ,Kimani Kuria uu diyaarinaya warbixintiisa ka dib markii uu guddoomay in ka badan 1000 ah aragtiyo ay gudbiyeen ururro iyo shakhsiyaad kala duwan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here