Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya DHAGEYSO:Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in howlgal lagu dilay 20 ka tirsan Al-Shabaab

DHAGEYSO:Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in howlgal lagu dilay 20 ka tirsan Al-Shabaab

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo kaashanaya saxiibbada Caalamiga ah ayaa Maanta howlgal qorsheysan ku qaaday deegaanka Baladul Amiin ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo la sheegay inay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.
Deegaannada howlgalka lagu qaaday oo hoostaga degmada Afgooye ayaa Saraakiisha Ciidamada sheegeen in ujeedka howlgalka uu ahaa inay halkaasi isku aruursanayeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta ee Xukuumadda Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac oo howlgalka ka hadlay ayaa sheegay in Ciidamada xoogga dalka iyo saxiibbada Caalamiga ah oo ka war helay in Al-Shabaab ay isku aruursanayeen deegaanka Baladul Amiin ay weerar xooggan ku qaadeen.
Waxaa uu sheegay in howlgalka ay Ciidamada dowladda ku dileen 20 ka tirsan Al-Shabaab, sidoo kalena weli uu socdo howlgalka ka dhanka ah kooxdan ee guud ahaan gobolka Shabeellaha hoose.
Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa sheegay in dhawaan uu billaaban doono wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab, ayna qayb ka noqon doonaan Ciidamada dalalka Safka hore si guud ahaan ururkan looga saaro dalka Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa bilihii la soo dhaafay ku celcelineysay in la billaabi doono wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab, balse weli aan lagu guuleysan, iyada oo ay kordheen weerarrada Al-Shabaab ay ku qaadayaan saldhigyada Ciidamada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments