DHAGEYSO:Kulanka baarlamaanka Soomaaliya oo furmay

0
596

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal sh C/raxmaan ayaa furay Kulanka Baarlamaanka wuxuuna sheegay in Kulanka ay xaadir yihiin 139 mudane kuwaasoo ka doodaya ajandeyaasha Sooomaalia.
Sidoo kale Intaasi kadib Xildhibaannada ayaa cod u qaaday labada Xubnood ee Guddiga madaxa banaan ee Xuduudaha, iyagoo u ansixiyay inay guddiga ka mid noqdaan, waxaana ay kala yihiin Xubnahaas la Ansixiyay Axmed Zeylici Muuse iyo Maxamed Cusmaan Cabdullaahi Xamza.
Guddoomiye Mursal oo natiijada codeynta ku dhawaaqay ayaa sheegay in 136 mudane ay u codeysay labada Xubnood ee Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuduudaha , Saddex ay ka aamustay, isla markaana aysan jirin Cid diiday.
Ajandayaasha Kulanka Baarlamaanka ee Maanta ahaa kala ahaa Cudurka Covid19, u Codeyn Laba Xubnood oo Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuduudaha iyo u Codeyn Sharciga Qaxootiga Qaranka.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur ayaa Mudanayaasha Baarlamaanka warbixin ka siisay Xaaladaha la xiriirta cudurka COVID-19.
Wasiir Fowsiya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in dalka uu si aad ah ugu faafay Cudurku,dad badan ay u dhinteen kuwo kale ay wali Xarumaha Caafimaadka ugu jiraan sidoo kalena loo baahan yahay isku duubnaan iyo dagaal wada jir ah oo Cudurkaan lagu wajaho.

Qaar kamid ah Xilhibaannada mucaaradka ayaa waxaay horay u sheegeen in Ajandayaasha la soo bandhigay uu ku hoos qarsan yahay qorsho muddo kordhin ah oo ay damacsan tahay Villa Soomaaliya.
Kulanka ayaa qorsuhu ahaa in uu furmo 9-kii subaxnimo ayaa dib u dhacay Wuxuuna Furmay kowdii duhurnimo oo 15 Daqiiqo dhiman.
Xildhibaannada qarkood oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxaay meesha ka saareen wararka sheegaya in la damacsan yahay muddo kordhin loo sameeyo Hay’adaha kala duwan ee dowladda.
Xldhibaan Mahad salad iyo Xildhibaan Xasan cabdi oo kamid ah Xildhibaannada15-ka ah ee laga mamnuucay ka qeyb-galka 5 kamid ah Kulamada Golaha Shacabka ee ugu soo horeeya ayaa waxay sheegeen in Ciidamo ka tirsan dowladda ay ku celiyeen Isgoyska dabka, isla markaana loo diiday inay u gudbaan dhanka Xarunta Baarlamaanku ku shiro ee Villa Hargaysa.
Xildhibaan Cabdi Shire Ciyaar Jecel ayaa Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in baarlamaanka iyo Xukuumaddu ay dalka ka sii shaqaynayaan ilaa ay dhacdo doorashada Xigta.

Dhamaan waddooyinka soo gala Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa la dhigay Ciidamo Boolis ah, kuwaas oo Gaadiidka qaarkood u diidaya inay u gudbaan dhinaca Madaxtooyada.
Qaar ka mid ah shacabka ku nool Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya gaar ahaan Darawaliinta ka xeeya gaadiidka Noocayadiisa kala duwan ayaa Waxay Faahfaahin ka bixiyeen Caqabadaha ay kala kulmeen Maanta Waddooyinka Magaalada Muqdisho qaarkood oo Xirnaa.