Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Maxkamadda gobolka Banaadir oo xukun adag ku ridday 36 nin oo ajaaniib...

Maxkamadda gobolka Banaadir oo xukun adag ku ridday 36 nin oo ajaaniib ah

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa Maanta xukun adag ku ridday 36 eedeysane oo ajaaniib ah oo maalmahii la soo dhaafay Maxkamaddu ay ku mashquulsanayd dhageysiga dacwadda loo haysto oo ah inay si sharci darro ah uga kalluumeysteen xeebaha dalka Soomaaliya.
Raggan ajaaniinta ah ee Maanta xukunka lagu riday ayaa u kala dhashay dalalka Iiraan iyo Pakistan, waxaana laga soo qabtay xeebta magaalada Hobyo ee gobolka Mudug, iyagoo watay doomo ay kaga kalluumeysanayeen xeebaha Soomaaliya.
Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex jeer u fadhiisatay dhageysiga dacwadda raggan ajaaniibta ah ayaa ugu dambeyn Maanta ku xukuntay midkiiba inuu bixiyo lacag gaareysa 11 kun oo doolar oo ganaax ah iyo 30 kun oo doolar oo ah magdhawga Kalluunkii ay ka qaateen xeebaha Soomaaliya oo ay geeyeen dalka Cumaan taarikhda markii ay ahayd 29-kii bishii 11-aad ee sanadkii hore, sida ay Maxkamaddu sheegtay.
Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir Saalax Cali Maxamuud ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay la wareegtay laba doomood iyo qalabkooda Kalluumeysi oo ay wateen raggan ajaaniibta ah.
“Xukunkan ciddii aan ku qancin waxaa u furan racfaan ku siman inta sharciga uu tilmaamay, xukunkan waa la gaaray maanta oo ay taariikhdu tahay 06-06-2023-ka, waa billaahi towfiiq” ayuu yiri guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir Saalax Cali Maxamuud.
Waxaa uu sidoo kale xusay guddoomiye Saalax in xukunsanayaasha ay haystaan fursad kale oo ay racfaan kaga qaadan karaan haddii aysan ku qanacsanen xukunka Maxkamadda.
Si kastaba ha ahaatee raggan ajaaniibta ah ee xukunka ku dhacay ayaa la ogeyn sida ay ugu fududaan doonto bixinta lacagtaasi lagu xukumay, waxayna sidoo kale Maxkamadda gobolka uga digtay ajaaniibta kale ee badda Soomaaliya sida sharci darrada uga kalluumeeysata in ciqaab adag la kulmi doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments