Ilaa 4,000 oo ah dadka doonaya inay sanadkan soo xajiyaan ayaa lagu wadaa inay isbuuc ka dib wadanka ka ambabaxaan.
Xoghayaha guud ee golaha sare ee muslimiinta dalka ee SUPKEM Cabdullahi Salaad ayaa dadka sanadkan xajka aadaya ee aan weli qaadan dal ku galka ama fiisaha ugu baaqay inay codsadaan ka hor inta uunan wakhtigu ka dhicin.