Ombudsman oo sheegtay inay jiraan wax isdaba marino dhanka bixinta baasaboorka ah

0
346

Warbixin cusub oo uu soo saaray guddiga qaabilsan cadaaladda dhanka maamulka ee loo yaqaano Ombudsman ayaa muujinaysa inay jiraan waxyaabo aan habboonayn oo lagula kaco kenyaanka marka ay codsadaan baasaboorka.
Warbixinta maanta la soo bandhigay ayaa lagu sheegay in guddiga uu baaritaano sameeyay ka dib cabashooyin ay u soo gudbiyeen dadweynaha.
Waxyaabaha baaritaannada lagu ogaaday waxaa ka mid ah in dadka qaar laga qaaday lacago qiimo ahaan ka badan inta la oggolyahay.
Sidoo kale dad codsaday oo bixiyay lacagaha baasaboorka ka kooban 50-ka bog ayaa loo soo saaray midka ka kooban 34-ta bog.
Baaritaannada waxaa sidoo kale lagu ogaaday in waaxda socdaalka aynan lahayn xeer u degsan oo hagaya soo saaridda baasaboorrada iyo wax ka qabashada cabashooyinka la xiriira.
Guddoomiyaha guddigan ,Florence Kajuju ayaa wasaaradda arrimaha gudaha ka codsatay inay waaxda socdaalka u qoondeyso lacago dheeraad oo loo adeegsan karo soo saaridda dokumeentigan.