Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Laamaha Amniga Galmudug oo shir deg deg ah kayeeshay dad lagu dilay...

Laamaha Amniga Galmudug oo shir deg deg ah kayeeshay dad lagu dilay Galgaduud

Ku simaha madaxweynaha ahna madaxweyne ku xigeenka Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa shir gudoomiyay Kulan deg deg ah oo amniga ku saabsan kaasoo ka dhacay xarunta madaxtooyada Maamulka Galmudug.
Shirka amniga waxaa goob joog ka ahaa wasiirka arimaha gudaha saraakiisha hogaamisa qeybaha kala duwan ee ciidamada sida booliska, nabad sugida, GorGor, Ciidanka Haramcad iyo kuwa Amisom
Shirka waxaa looga hadlay guud ahaan amniga deegaanada Maamulka Galmudug gaar ahaan amniga caasimada Maamulkaasi ee Magaalada Dhuusamareeb, sidoo kale Saraakiisha waxaa la faray awaamir ku saabsan sugida amniga Galmudug gaar ahaan ka falcelinta dhacdadii dadka Shacabka ah lagu dilay ee Shalay ka dhacday Deeganka Xirsi Lugeey ee Duleedka Dagmada Balanbale ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments