Maxkamad ku taalla magaalada Nairobi ayaa lagu wargeliyay in guddoomiyihii hore ee ismaamulka Kiambu Ferdinand Waititu uu maanta ka soo hormuuqan karin maxkamadda sida uu qorshushu ahaa.
Qareenkiisa oo lagu magacaabo John Swaka ayaa u sheegay garsooraha maxkamadda Thomas Nzioki in Waititu uusan diyaar u ahayn dhageysiga dacwadda uu wajahayo, maadaama gelinkii dambe ee shalay uu sara joogga ka dhacay isagoo gurigiisa ku sugan ka dibna isbitaalka loola cararay.
Hasa ahaate garsooraha maxkamadda ayaa sheegay in aan loo soo gudbinin dokumenti caafimaad oo muujinaya in guddoomiyihii hore ee Kiambu isbitaal la dhigay.
Waxaa uu qorshuhu ahaa in maanta la dhageysto dacwad la xiriirta fal musuqmaasuq oo lagu lunsaday 588 milyan oo shilin taasoo ka dhan ah barasaabkii hore ee ismaamulka Kiambu Ferdinand Waititu iyo shakhsiyaad kale.
Kiiskan ayaa loo haystaa Waititu, xaaskiisa Susan Wangari, shirkadda Testimony Enterprises, agaasimayaasheeda iyo eedeysanayaal kale.
Waxaa laga doonaya inay ka jawaabaan eedeynta ah in qandaraaskan 12-kii bishii Labaad ee sanadkii 2018-kii loo bixiyay qaab aan habboonayn.