Golaha la magac baxay Madasha Badbaado Qaran ee Soomaaliya ayaa ka horjeestay muddo kordhin loo sameeyo Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamad Cabdullaahi Farmaajo iyo Xildhibaannada Golaha Shacabka oo uu wakhtigooda dhammaaday.
Waxay sheegeen inay jiraan hanjabadda ka dhanka ah 15-kii xildhibaan ee uu Guddoomiyaha Baarlamaanka ka ganaxay kulamada golaha shacabka.
Waxaa ay intaa ku dareen in wixii mas’uuliyad darro ee ka imaadana uu guddoonka golaha shacabka qaadan doono.
Madasha Badbaado Qaran ayaa soo saartay qoraal ay uga digeyso muddo kororsiga mudda xileedka Madaxtooyada iyo Baarlamaanka, Waxayna sheegtay in tallaabo kasta oo muddada loogu kordhinayo hay’adaha Dastuuriga aysan gacmaha ka laaban doonin.
Madasha ayaa sharci darro ku tilmaamtay go’aankii Guddoomiyaha Golaha Shacabka uu 15 mudane uga joojiyay fadhiga Golaha shacabka, islamarkaana baraha koontaroolada la dhigay magacyada mudanayaashaasi.
Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka ay soo saareen madasha badbaado qaran