DHAGEYSO:Puntland oo diginin u dirtay shaqaalaha QM

0
584

.Xeer ilaalinta Maamul Goboleedka Soomaaliyeed Puntland iyo Guddiga dardar galinta canshuuraha shaqaalaha UN-ka ee ku sugan deegaanada Maamulkaasi ayaa digniin u diray shaqaalaha UN-ka ee canshuurtii ku Waajibtay bixin diiday oo ku sugan Goballada Bari iyo Mudug.
Xeer ilaaliye kuxigeenka Puntland Maxamed Xareed Faarax ayaa sheegay inay jiraan dhowr Ruux oo kamid ah Shaqaalaha UN-ka oo diiday biixinta Canshuurta, kuwaasoo hay’adaha ku shaqada leh la faray inay Talaabo ka qaadaan hadii aysan ilaa 3-da Bisha soo socota aysan Bixin Canshuurtaas.
Dhowr jeer ayaa Xeer ilaalinta Dowlad Goboleedka Puntland waxaa ay soo bandhigtay Magacyada Shaqaalo kamid ah kuwa Hay’adaha UN-ka, kuwaas oo laga dalbtaday inay Canshuurta bixiyaan