Marwada madaxweyne ku xigeenka oo u ololeynaysa awoodsiinta wiilasha

0
188

Marwada ku xigeenka madaxweynaha dalka Pastor Dorcas Rigathi ayaa ismaamulka Nandi ka billowday olole ay ku doonaysa in barnaamijyada awoodsiinta ee dhanka jinsiga lagu soo daro taageeridda wiilasha.
Waxaa ay ku baaqday in dowladaha hoose ee ismaamullada iyo ururrada diimeed ay arrikan garab siiyaan.
Pastor Dorcas, ayaa xilli ay ka hadleysay fagaaraha Kobujoi grounds ee deegaanka Aldai sheegtay inay ka go’an tahay wax u qabashada wiilasha si la mid ah gabdhaha.
Waxay dhanka kale madaxweynaha dalka William Ruto iyo ku xigeenkiisa Rigathi Gachagua ku bogaadisay dadaalka ay wadaan ee lagu cirib tiraya isticmaalka maandooriyaha si loo badbaadiyo dhallinyarada.
Cod