Maraykanka, Japan iyo Kuuriyada Koonfureed oo ka shiraya xaaladda kuuriyada waqooyi

0
570

Dowladaha Maraykanka , Japan iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa lagu wadaa in ay maalinka Jimcada ee toddobaadkan yeeshaan kulan ay si wadajir ah kaga hadlayaan xaaladda wadanka Kuuriyada Waqooyi.
La taliyaha madaxweyne Joe Biden ee dhanka amniga Jake Sullivan ayaa la filayaa inuu la kulmo dhigiisa Japaan iyo kuuriyada koonfureed.
Qodobbada shirka si gaar ah diiradda loogu saari doono waxaa ka mid ah amniga sida lagu xusay bayaan ka soo baxay aqalka cad ee Maraykanka looga arrimiyo.
Kulanka ayaa la qorsheeyay in uu ka dhaco machadka tababarka ciidamada badda ee Maraykanka oo ku yaalla magaala madaxda gobolka Maryland ee Annapolis.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii kuuriyada waqooyi ay labo gantaal ku tuurtay badda u dhow Japan taasoo loo arkay in ay ku sii xoojinaysay barnaamijkeeda nukliyeerka.