Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Dowladda Kenya oo ay ka go’an tahay heshiisiinta dhinacyada ku dagaallamaya Suudaan

Dowladda Kenya oo ay ka go’an tahay heshiisiinta dhinacyada ku dagaallamaya Suudaan

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in maamulkiisa ay ka go’an tahay in la isu keeno oo heshiis la dhex dhigo dhinacyada ku dagaallamaya wadanka Suudaan ee kala ah ciidamada qalabka sida iyo saraakiisha sida militariga u tababaran ee RSF.
Hoggaamiyaha wadanka ayaa muujiyay inuu diyaar u yahay sidii uu gacan uga gaysan lahaa in colaadda ka taagan Suudaan loo helo xal waara.
Arrintan ayuu ka hadlay xilli uu xarunta madaxtooyada dalka ee State House ee magaalada Nairobi uu kula kulmay Mr. Yousif Izzat oo ah ergeyga gaarka ah ee taliyaha saraakiisha sida militariga u tababaran ee RSF ee wadanka Suudaan General Maxamad Xamdaan Dagalo.
Dagaallada soo billowday 15-kii bishii Afaraad ee sanadkan ayaa si gaar ah u saameeyay caasimadda dalkaasi ee Khartoum iyo gobolka Galbeed ee Daarfuur in kastoo dhowr mar la gaaray heshiis xabad joojin ah.
Qaramada Midoobay ayaa laga soo xigtay in gudaha Suudaan ay ku barakaceen 1.2 milyan oo qof halka tirada dadka u cararay dibadda dalkaasi ay tahay in ka badan 425,000 oo qof.
Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa ayaa sidoo kale sheegtay in 25 milyan oo qof oo ku nool gudaha Suudaan ay u baahan yihiin badbaadin iyo gargaar baniaadannimo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments