Ismaamulka Siaya oo laga xaqiijiyay 120 oo ah kiisaska daacuunka

0
180

Waxaa lagu soo warramayaa in tirada kiisaska la xiriira cudurka daacuunka ee Ismaamulka Siaya ay gaartay 120.
Barasaabka ismaamulkaasi James Orengo iyo guddoomiyaha dowladda dhexe halkaasi ku matala Jim Njoka, ayaa ku boorriyeen dadka deegaanka inay taageeraan dadaallada lagu xakameynayo cudurkan iyaga oo sida habboon ku dadaalaya nadaafadda.
Labada mas’uul ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in dadaallada lagula tacaalayo xanuunkan oo markii ugu horreysay labo bilood ka hor dowlad deegaankaasi laga soo tabiyay, ayaa sheegay in tirada kiisaska daacuunka ay si tartiib tartiib ah u korodhay.
James Orengo oo ka hadlay munaasabad lagu daahfurayay gaadiidka gurmadka degdega ah oo casri ah oo lagu qabtay xarunta dhexe ee ismaamulkaasi ayaa sheegay in koox dhakhaatiir ah oo ka tirsan maamulka dowlad deegaankaasi ay xarumo ka sameysteen xeebaha deegaan baarlamaaneedyada Rarieda iyo Bondo oo ah goobaha cudurkan uu ka soo billowday.
Waxaa uu sheegay in maamulkiisa uu haysato dawooyin ku filan oo lagula tacaalo cudurka daacuuka.
Barasaabka Siaya ayaa shacabka ugu baaqay in qof walba oo isku arko astaamaha lagu garto cudurka daacuunka, sida shuban biyoodka iyo mataga uu tago goobta caafimaad ee ugu dhow.
Dhanka kale, guddoomiyaha dowladda dhexe ku matala ismaamulkaasi Jim Njoka oo la hadlay dadweyne ka soo qayb galay munaasabadda xuska maalinta Madaraka ee shalay, oo lagu qabtay barxadda machadka tababarka caafimaadka ee KMTC ee magaalada Siaya ayaa ku bogaadiyay dowladda ismaamulkaasi sida degdega ah ee ay uga falcelisay faafitaanka cudurka daacuunka.
Mr. Njoka ayaa ugu baaqay waaxda caafimaadka ee dowladda deegaanka Siaya in ay joogteyso howlgallada ka dhanka ah goobaha laga cunteeyo ee aan u hoggaansamin shuruudaha caafimaadka bulshada.
Saraakiisaha caafimaadka ee ismaamulka Siaya ayaa ilaa iyo hadda xaqiijiyay dhimashada afar qof oo u geeriyooday daacuunka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here