Paul Koinange oo shacabka deegaanka Kiambaa ee ismaamulka Kiambu ku matalayay baarlamaanka ayaa u geeriyooday cudurka COVID-19 sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen qoyskiisa.
Mudanaha ayaa saaka ku dhintay isbitaalka Nairobi Hospital oo lagu daaweynayay.
Siyaasigan ayaa sidoo kale ahaa guddoomiyaha guddiga baarlamaanka ee maamulka iyo amniga qaran.
Waxaa uu xubin ka ahaa xisbiga isaga oo xilka uu hadda ka geeriyooday hayay tan iyo sanadkii 2017-kii.
Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa ka tacsiyeeyay geerida Paul Koinange isagoo xusay inuu dalka ka baxay mas’uul diiradda saari jiray midnimada , xasiloonida iyo horumarka wadanka.
Mr. Kenyatta ayaa sheegay in uu murugada la qaybsanaya qoyska xildhibaanka geeriyooday, ehellada, asxaabta iyo dadweynaha deegaan baarlamaneedka Kiambaa.