Dowladda dhexe ayaa qorsheynaysa in iyadoo kaashanaysa ismaamullada la howlgeliyo shakhsiyaad qaabilsan xoojinta daryeelka caafimaad.
Dadkan ayaa ku dadaali doono in xilli hore laga war helo xaaladaha caafimaad si loogu gudbiyo xarumaha ku habboon daaweyntooda.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa hoosta ka xarriiqay in qorshaha dowladda uu yahay in 100-kii qoysba uu ka mid ahaado qof qaabilsan wanaajinta daryeelka caafimaadka ee ay dadkaasi helaan.
Ruto ayaa xusay in qofkani laga doonaya inuu qoysaska ku booqdo guriyahooda si uu ula socdo xaaladahadooda.
Sidoo kale waxay dadka qabo xanuunnada gaarka ah ka caawin doonaan qaabka cunnada loo siiyo.
Madaxweynaha ayaa shaaciyay in dib u habeyn ballaaran lagu sameyn doono caymiska qaran ee caafimaadka ee NHIF si uu u noqdo mid kaafinaya baahiyaha degdegga ah ee dadweynaha.