Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Paul Mackenzie oo maanta mar kale maxkamad la soo taagaya

Paul Mackenzie oo maanta mar kale maxkamad la soo taagaya

Waxaa maanta maxkamadda dib ugu laabanaya baadariga kaniisadda Good News International ee ismaamulka Kilifi Paul Mackenzie si uu u ogaado in damaanad lagu siidaynaya iyo in kale.
Mackenzie ayaa muddo bil ah ku jiray xabsi waxaana isaga iyo 17 eedeysanayaal kale oo ay xaaskiisa ka mid tahay loo haystaa inay dad taabacsanaa kaniisadda kula taliyeen inay cuntada iyo biyaha ka afxirtaan ilaa ay ka geeriyoodaan.
Arrimahan ayaa soo shaac baxay ka dib markii keynta Shakahola ee ismaamulka Kilifi lagu arkay xabaal wadareedyo laga soo saaray ilaa 240 meydad ah.
Maxkamadda sare ayaa horay saraakiisha dacwad oogidda siisay muddo bil ah oo ay baaritaannada ku soo gabagabeeyaan in kastoo ay codsanayeen saddex bilood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments