Dowladda oo sheegtay in dalka la keeni doono mooto ku shaqeynaysa koronto

0
268

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa xilli uu shalay jeedinayay khudbadiisa xuska qaran ee Madaraka Day sheegay inuu jiro qorsho wadanka lagu keenaya dhugdhugleey ku shaqeynaysa koronto.
Tani ayuu hoosta ka xarriiqay inay wadayaasha mootooyinka ka fududeyn doonto culeyska ay kala kulmaan iibsashada nooca shidaalka ee batroolka.
Ruto ayaa ismaamulka Embu ka sheegay in qorshahan uu diyaar noqon doono bisha Sagaalaad ee sanadkan.
Waxaa uu intaasi ku daray in tani sidoo kale looga gol-leeyahay in looga hor tago wasaqaynta hawada.
Madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyay in nidaamkan uu yahay mid fudud oo ay dowladdu ugu daneynaysa wadayaasha mootooyinka.