Dowladda oo baasaboorrada ku soo saari doonto hal toddobaad

0
295

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa shaaciyay in waaxda socdaalka ee wadanka ay laga billaabo bisha Toddobaad ee sanadkan baasaboorka ku soo saari doonto hal isbuuc gudihiisa.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in dowladda dhexe ay ka go’an tahay in codsiyada degdegga ah lagu dhameystiro muddo 24 saacadood ah.
Wasiirka ayaa intaasi ku daray in dhammaadka bishan 6-aad la soo saari doono baasaboorro gaaraya 42,000 oo uu dib u dhac ku yimid.