Madaxweynaha dalka oo ka laabtay magacaabidda Faith Harrison

0
228

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa waxba kama jiraan ka soo qaaday magacaabidda Faith Njeri Harrison oo lagu waday in loo turxaan bixiyo xilka xoghayaha xafiiska madaxa wasiirrada dalka gaar ahaan waaxda maareynta waxqabadka shaqaalaha.
Faith ayaa horay wasiirka maaliyadda uga soo noqotay dowladda hoose ee ismaamulka Kiambu.
Madaxa waaxda adeegga dadweynaha ,Felix Koskei ayaa shaaciyay in magaca Faith Njeri lagu beddelay Anne Njoki Wang’ombe in kastoo uunan faahfaahin sababta go’aankan loo qaatay.
Jagadan ayaa bannaanaatay ka dib markii ay 23-kii bishii hore is casishay Esther Ngero .
Anne Wang’ombe ayaa ku takhasustay arrimaha waxbarashada iyo shaqaaleysiinta oo ay ku howlanayd muddo 30 sano ah.
Waxaa ay tan iyo sanadkii 2018-kii maareynaysay hannaanka howlgabka shaqaalaha ee maamulka canshuuraha dalka ee KRA.
Waxaa ay haysataa shahaadada Masters ee maamulka tacliinta iyo qorsheynta oo ay ka qaadatay jaamacadda Nairobi.
Sidoo kale madaxweynaha dalka ayaa Salome Wairimu Muhia-Beacco u magacaabay xoghayaha waaxda adeegyada asluubta ee wasaaradda arrimaha gudaha waxayna beddelaysa Esther Ngero oo horay uga shaqeynaysay xafiiska madaxa wasiirrada balse markii loo wareejiyay dhanka asluubta is casishay.
Salome ayaa ah qareen muddo 26 sano ka howlgalaysay maxkamadda sare ee dalka.
Ms. Muhia ayaa haysata shahaadada heerka Masters ee culuunta sharciga gaar ahaan hoggaanka iyo maamulka oo ay ka qaadatay jaamacadda Nairobi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here