Booliska oo xabsiga ku haya sarkaal ilaalinayay imtixaanka KCSE-da ee Migori

0
595

Booliska ismaamulka Migori ayaa gacanta ku dhigay nin ilaalinayay imtixaanka KCSE-da ee ismaamulka Migori ka dib markii lagu eedeeyay inuu bixiyay warqadaha imtixaanka ka hor wakhtiga loo qorsheeyay inuu bilowdo imtixaanka.
Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof George Magoha ayaa sheegay in sarkalkaas gacanta booliska uu ku jiro dhawaana maxkmad la soo taagi doono.
Iyadoo maalintii 4-aad oo uu guud ahaan dalka ka socdo imtixaanka fasalka afaraad ee dugsiga sare ee KCSE-da ayaa baaritaan lagu haya ilaa 6 dugsi oo lagu tuhunsan yahay wax isdabamarino.
Prof Magoha ayaa ka digay in cid walba oo iskudayda xatooyo ka dhan ah imtixaanka socda talaabo adag oo sharci ah laga qaadi doono.
Dugsiyada lagu tuhunsan yahay wax isdaba marin ayaa la tilmaamay in ay ku kala yaalaan ismaamullada Nyamira iyo Mandera.