Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Kindiki oo amray in goobo kale loo wareejiyo dhammaan booliiska ka shaqeeya...

DHAGEYSO:Kindiki oo amray in goobo kale loo wareejiyo dhammaan booliiska ka shaqeeya Isebania

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa amar ku bixiyay in deegaanno kale loo wareejiyo dhammaan saraakiisha booliiska ee ka howlgalo magaalada Isebania ee ismaamulka Migori.
Waxaa uu sheegay in aan la eegi doonin darajada shaqo ee askariga.

Arrintan ayuu shaaca ka qaaday xilli uu kulan la yeeshay mas’uuliyiinta ammaanka ee gobolka Nyanza iyo saraakiisha sirdoonka.
Isbeddelladan ayaa sidoo kale saameynaya saraakiisha ka shaqeeya laanta socdaalka iyo hay’adaha kale ee dowladda sida shirkadda tayadhowrka badeecooyinka ee KEBS, maamulka canshuuraha ee KRA iyo laanta la dagaalanka waxyaabaha kontarabaanka ah ee magaalada Isebania .
Wasiirka ayaa dhanka kale soo saaray digniin ah in dowladda dhexe aynan u dulqaadan doonin saraakiisha aan sida habboon uga soo bixin waajibaadka loo igmaday.
Kindiki ayaa saaka tagay magaalada Isebania ee ismaamulka Migori si uu wax uga qabto walaac ay bulshada dowlad deegaankaasi ka muujinayaan falalka amni darro.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii ay shacabka weerar ku qaadeen saldhigga booliiskaee Isebania taasoo keentay in falcelinta ciidamada ammaanka ay ku dhinteen shan qof.
Waxaa iskudhacyadaasi ku dhaawacmay sarkaal ka tirsan booliiska.
Shacabka ayaa ka carooday dhacdooyin ay dabley aan la garan ku dishay saddex qof oo ganacsata ah.
Kithure Kindiki ayaa hoosta ka xarriiqay in marnaba aan loo dulqaadanayn rabshadaha , bililiqeysi iyo burburinta hantida.
Dhanka kale maamulka madaxa bannaan ee kormeerka ku sameeya howlaha booliiska ee IPOA ayaa wado baaritaano ku aaddan dilalka laga gaystay Migori si cidii lagu cadeeyo looga qaado tallaabo sharciyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments