Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Waqooyi Bari oo ka mid ah meelaha ay arday badan ku biireen...

Waqooyi Bari oo ka mid ah meelaha ay arday badan ku biireen dugsiga sare

Wasaaradda waxbarashada ee dalka ayaa shaacisay in 5 ka mid ah 8-da gobol ee dalka laga diiwaangeliyay tiro badan oo ah ardayda dhameeyay dugsiyada hoose dhexe ee ku biiray fasalka koowaad ee dugsiyada sare.
Dowladda dhexe ayaa wado dadaal ay iska kaashanayaan waaxyo kala duwan oo lagu xaqiijinaya in ardayda ay boqolkiiba boqol u gudbaan dugsiga sare.
Waxaa sanadkan dugsiyada JSS iska xaadiriyay arday dhan 1,263,156 oo isugu jira 641,270 oo wiilal ah iyo 625,518 gabdhood.
Marka la eego tirada ugu badan ee ardayda sanadkan ku biiray fasalka koowaad ee dugsiyada sare waxaa ugu horreeya gobolka Nyanza oo ah boqolkiiba 102 halka bartamaha iyo waqooyiga dalka ay yihiin min 101 boqolkiiba.
Nairobi iyo Bariga dalka waxaa dugsiyada sare ku biiray boqolkiiba 100 ee ardayda halka gobollada Xeebta , Galbeedka iyo Rift Valley tiradan ay kala tahay boqolkiiba 99, 97 iyo 95.
Dhanka kale wasiirka waxbarashada ee dalka Ezekiel Machogu ayaa sheegay in dugsiyada dowladda ay Jimcada heli doonaan 28 bilyan oo shilin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments