Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Foolasha maroodiga oo lagu qabtay Nyeri

Foolasha maroodiga oo lagu qabtay Nyeri

Saraakiisha ammaanka ee ismaamulka Nyeri ayaa gacanta ku dhigay foolasha maroodiga oo ah 52 kiilogaraam oo qiimahooda lacageed lagu qiyaasay 5.3 milyan oo shilin.
Adeegga qaran ee booliiska ee NPS ayaa arrinkan shaaca uga qaaday bayaan uu soo saaray.
Tani ayaa timid ka dib howlgal ay iska kaashadeen ciidamada booliiska iyo saraakiisha adeegga duurjoogta dalka ee KWS.
Waxaa falkan loo xiray labo eedeysanayaal oo lagu kala magacaabo Gichohi oo 45 sano jir ah iyo Wahome oo ay da’diisu tahay 50 sano.
NPS ayaa intaasi ku dartay in eedeysanayaasha maanta maxkamad la soo taagi doono si loogu soo oogo dacwad la xiriirta inay ku xadgudbeen qaybta 93-aad farqada afaraad ee xeerka ilaalinta duurjoogta.
Xeerkan ayaa la soo saaray sanadkii 2013-kii waxaa uuna mamnuucaya ugaarsiga duurjoogta iyo ka ganacsiga la xiriira.
Waxay tani ku soo beegmaysa maalmo un ka dib markii ismaamulka Laikipia lagu qabtay in ka badan 110 kiilogaraam oo foolasha maroodiga ah , falkaasi oo loo xiray hal qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments