Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Wasiirka arrimaha gudaha oo ku sugan Migori

Wasiirka arrimaha gudaha oo ku sugan Migori

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa gaaray magaalada Isebania ee ismaamulka Migori.
Qoraal uu soo dhigay baraha rasmiga ee uu ku leeyahay Facebook-ga iyo Twitter-ka ayuu ku sheegay inuu halkaasi u tagay wax ka qabashada walaac ay bulshada dowlad deegaankaasi ka muujinayaan falalka amni darro.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii ay shacabka weerar ku qaadeen saldhigga booliiskaee Isebania taasoo keentay in falcelinta ciidamada ammaanka ay ku dhinteen shan qof.
Wasiirka ayaa kulan la qaatay madaxda amniga iyo sirdoonka ee gobolka Nyanza si gaar ah ismaamulka Migori.
Kithure Kindiki ayaa hoosta ka xarriiqay in marnaba aan loo dulqaadanayn rabshadaha , bililiqeysi iyo burburinta hantida.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments