Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Kamau Thugge oo difaacay hindise maaliyadeedka sanadkan

Kamau Thugge oo difaacay hindise maaliyadeedka sanadkan

Kamau Thugge oo uu madaxweynaha dalka William Ruto u soo magacaabay xilka madaxa bangiga dhexe ee dalka ee CBK ayaa difaacay hindise maaliyadeedka ay dowladdu soo saartay ee gudaha wadanka si wayn looga hadal hayo.
Guddiga baarlamaanka u qaabilsan arrimaha maaliyadda ayaa Thugge qodobkan wax ka waydiiyay xilli uu turxaan bixinayay.
Xoghayihii hore ee wasaaradda maaliyadda ayaa hoosta ka xarriiqay in haddii hindisahan la ansixiyo uu wadanka u horseedi doono kobac dhaqaale oo ballaaran.
Waxaa uu intaasi ku daray in soo jeedinta ah in qofka shaqaalaha iyo xarunta uu ka howlgalo laga jaro boqolkiiba min saddex ee mushaarka ay dardargelin doonto maalgashiga mustaqbalka.
Lacagtan ayay dowladda doonaysa inay ku biiriso sanduuqa guriyeynta si sanado ka dib qof waliba oo kenyaan ah uu u dego kuna noolaado guri tayo leh.
Kamau Thugge ayaa ku nuuxnuuxsaday in jahada uu dalka ku socdo dhaqaale ahaan ay tahay mid dhiirrigelinaysa maalgelin shisheeye sidoo kalena yareynaysa baahida loo qabo deymaha lagu qarash geliyo mashaariicda horumarineed ee dowladda.
Sidoo kale Kamau Thugge ayaa qiimaha hantidiisa ku sheegay 450 milyan oo shilin.
Haddii magacaabidiisa la meel mariyo waxaa uu noqon doonaa madaxii 10-aad ee bangiga dhexe ee dalka wuxuuna beddelaya Patrick Njoroge oo uu muddo xileedkiisu dhammaanaya bisha 6-aad ee sanadkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments