Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Mudavadi oo madaxda Afrika ugu baaqay inay xoojiyaan dimuqraadiyadda

Mudavadi oo madaxda Afrika ugu baaqay inay xoojiyaan dimuqraadiyadda

Madaxa wasiirrada ee dalka Musalia Mudavadi ayaa sheegay in hoggaamiyaasha waddamada Afrika laga doonayo inay soo dhisaan aasaas adag oo siyaasadeed si sare loogu qaado awoodda dimuqraadiyadeed iyo midda dhaqaale ee qaaradda.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in la joogo xilligii ay madaxdu dardargelin lahaayeen arrimaha dastuuriga ah, u hoggaansanka nidaamka kala dambeynta iyadoo aynan jirin cid sharciga ka sarreysa.
Mudavadi ayaa arrinkan ka sheegay kulamo dooceedyo uu ku qabtay wadanka Nigeria halkaasi oo uu uga qayb galay caleema-saarka madaxweynaha cusub ee dalkaasi Bola Axmed Tinubu.
Waxaa uu intaasi ku daray in xaaladda adag ee dhaqaale ee ka jirta caalamka awgeed , in dalalka Afrika ay khatar soo wajahday.
Mudavadi ayaa xusay inay lagama maarmaan tahay in lagu dadaalo degganaansho siyaasadeed , nabadgalyada iyo joogteynta dimuqraadiyadda si dalalka Afrika ay u gaaraan horumar dhaqaale.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments