Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Gaucho oo lagu siidaayay damaanad lacageed

Gaucho oo lagu siidaayay damaanad lacageed

Calvin Okoth Otieno oo loo yaqaano Gaucho oo sheegta inuu yahay madaxa golaha dadweynaha ayaa waxaa lagu siidaayay damaanad lacageed oo dhan 5,000 oo shilin.
Waxaa uu ka soo hormuuqday maxkamadda Kiambu ka dib markii Isniintii lagu xiray magaalada Nairobi.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Otieno laga qabtay afaafka hore ee xarunta dhexe ee dowladda ismaamulka Nairobi isagoo la hadlaya qaar ka mid ah taageerayaashiisa.
Waxaa uu ka mid yahay taageerayaasha madaxa isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga.
Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa sheegtay in Otieno la siidaayay ka dib markii uu iska fogeeyay dacwad lagu soo oogay oo ahayd inuu rabshad abuurayay.
23-kii bishan ayaa sidoo kale la xiray oo uu hal habeen ku jiray saldhigga booliiska ee Muthangari ka hor inta aan la fasaxin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments