Baarlamaanka oo turxaan bixinaya Kamau Thugge

0
151

Guddiga baarlamaanka ee arrimaha maaliyadda ayaa maanta turxaan bixinaya Kamau Thugge oo uu madaxweynaha dalka William Ruto u magacaabay madaxa bangiga dhexe ee CBK.
Thugge ayaa horay u soo noqday xoghayihii joogtada ee wasaaradda maaliyadda.
Su’aallaha la waydiiyey ee laga doonaya inuu faahfaahin ka bixiyo waxaa ka mid ah mashruucii muranka dhaliyay ee biyo xireennada Arror iyo Kimwarer oo la soo tabiyay in lacago lagu lunsaday xilligii uu ahaa xoghayaha wasaaradda maaliyadda.
Haddii uu baarlamaanka ansixiyo magacaabidda Kamau Thugge waxaa uu noqon doonaa mas’uulkii 10-aad ee hoggaamiya bangiga dhexe ee CBK.
Dhanka kale xubnaha guddiga baarlamaanka ee arrimaha gaashaandhigga , sirdoonka iyo xiriirka dibadda ayaa galinka dambe ee maanta su’aallo waydiin doono Nuurdiin Xaaji oo uu madaxweynaha dalka u magacaabay xilka agaasimaha guud ee adeegga qaran ee sirdoonka ee NIS.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here