Xoghayaha wasaaradda arrimaha gudaha oo kulan la qaatay iskuduwayaasha gobollada

0
216

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Dr. Raymond Omollo ayaa la kulmay guddoomiyaasha dowladda dhexe ku matalo ismaamullada iyo iskuduwayaasha amniga ee gobollada.
Waxaa uu saraakiishan ku amray inay guda galaan wacyigelin loo sameynaya shacabka oo ku aaddan sanduuqa guriyeynta.
Omollo ayaa mas’uuliyiintan ugu baaqay inay bulshada la wadaagaan macluumaadka saxda ah ee ku saabsan lacagaha laga jaraya shaqaalaha iyo shirkadaha ay ka howlgalaan ee ah boqolkiiba min saddex.
Waxaa uu sheegay in waajibaadka saraakiishan ay ka mid tahay inay dadweynaha ku nool deegaannada hoose la wadaagaan xogaha xeerarka iyo barnaamijyada dowladda dhexe.