Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Milatariga Soomaaliya oo Howlgalo ka fuliyay gobolka Baay

Milatariga Soomaaliya oo Howlgalo ka fuliyay gobolka Baay

Howlgal military oo wadajir ay u fuliyeen Taliska Ciidanka Mareekanka ee Afrika iyo Milatariga Soomaaliya ayaa waxaa Ka dhacay degaanka Buulafuulaay degmadda Diinsoor ee gobolka Baay.
Howlgalkaan oo ka dhan ahaa Ururka Al-Shabaab ayaa saraakiisha hoggaamineysay waxaay sheegeen inay ku burburiyeen Xarun ay Al-Shabaab ku sugnaayeen, isla markaana ay kasoo abaabuli jireen weerarada.
War kasoo baxay Wasaaradda warfaafinta dowlada Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalkaas lagu dilay mid kamid ah Saraakiisha Sar sare ee Al-Shabaab, aysana wax khasaare ah kasoo gaarin dadka Shacabka ah.
Horay Ciidamada dowladda oo garab ka helaya ciidamo Mareykan ah ayaa waxaay howlgallo kala duwan uga sameeyeen degaano iyo degmooyin ka tirsan gobolada dalka, iyagoo sheega inay dileen saraakiil ka tirsan Al-Shabaab iyo Xubno dagaalameyaashooda ka mid ah.
Mareykanka ayaa inta badan duqeymo ka fuliya degaano ku yaal Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, kuwaasoo ay la beegsanayaan Xarumaha iyo deegaanada kale ee la rumaysan yahay inay ku sugan yihiin dagaalameyaasha AL-shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments