Wakiillada Siaya oo ansixiyay mooshin xilka looga qaaday barasaab ku xigeenka

0
235

Golaha hoose ee ismaamulka Siaya ayaa ansixiyay mooshin loo gudbiyay oo xilka looga xayuubinaya ku xigeenka barasaabka dowlad deegaankaasi William Oduol.
Waxaa mooshinkan golaha hor geeyay wakiilka deegaanka hoose ee bariga Asembo ,Gordon Onguru oo Oduol ku eedeyay habdhaqan xumo baahsan.
Waxaa mooshinka xil ka qaadista guddoomiye ku xigeenka ismaamulka Siaya codkooda ku taageeray 38 ka mid ah 39-ka wakiil.
Golaha ayaa hadda guddi gaar ah oo ka kooban 10 xubnood u saaray inuu baaritaanno ku sameeyo eedeymaha loo jeediyay barasaab ku xigeenka oo uu warbixintiisa ku soo gudbiyo 10 cishe gudahooda.
William Oduol ayaa sidoo kale laga eryay xisbiga ODM oo uu ka tirsanaa wuxuuna maamulka guddoomiyaha dowlad deegaanka Siaya, James Orengo ku eedeyay ku takriifalka kheyraadka dadweynaha.
Waxaa uu wacad ku maray inuunan aamusi doonin ilaa iyo inta uu ka soo bandhigaya qaabka malaayiin shilin looga saaray akoonka dowladda hoose ee Siaya xaaladahan oo uu ku tilmaamay kuwo uu mugdi ku jiro.
Waxaa durbaba tallaabadan ka falceliyay senatarka ismaamulka Nandi Samson Cherargei oo arrin laga xumaado ku tilmaamay in barasaab ku xigeenka Siaya laga qaaday xilkiisi sidoo kalena laga saaray xisbiga ODM ka dib markii uu ka hadlay musuqmaasuq ka dhex jiro ismaamulkaasi.
Senatarka ayaa intaasi ku daray in aqalka sare uunan ansixin doonin xil ka qaadista William Oduol isagoo dhaliil u jeediyay madaxa ODM ,Raila Odinga.