Kenya iyo 3 dal oo Afrikaan ah oo ka shaqeynaya sidii la isugu xiri lahaa badaha wayn ee India iyo Atlaantigga

0
324

Kenya ayaa saddex dal oo Afrikaan ah kala shaqaynaysa sidii la isugu xiri lahaa badaha waaweyn ee India iyo Atlaantigga iyada oo loo marayo khad tareen oo ka gudba Afrika.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in waddamada Kenya, Uganda, jamhuuriyadda dimuqraadiga Congo ee DRC iyo Congo (Brazzaville) ay ka shaqeyn doonaan mashruucan.
Waxaa uu qorshahan dhigaya in gobol kasta uu sameeyo khad tareen oo isku xiraya afarta waddan iyada oo loo sii marayo meelaha xuduudaha ah.
Khadka tareenka ayaa ka soo billaaban doona gobolka Xeebta ee dalka Kenya, wuxuuna ku dhammaan doona xeebta Congo, isaga uu sii gudbaya badweynta Atlaantigga.
β€œWaxaa hadda wada hadal u socdaa dalalka Kenya, Uganda, DRC iyo Congo (Brazzaville) waxaana laga wada tashanaya sidii la isugu xiri lahaa badaha waaweyn ee India iyo Atlaantigga, waaxaan filayaa inay jirto qayb ka mid ah 1000 kiiloomitir oo marin tareen ah, waana la isku xiri karaa,” ayuu madaxweyne Ruto yiri.
Hadalkan ayuu maanta hoggaamiyaha dalka ugu sarreeya ka sheegay wadahadalka qaybta ganacsiga gaarka loo leeyahay ee Afrika ee maanta ka furmay Nairobi.
Isku xirkan ayaa lagu wadaa inuu kor u qaado ganacsiga ka dhexeya waddamada bariga iyo galbeedka Afrika iyadoo la dhimayo muddada dheer ay qaadato in alaab laga keeno waddamada qaaradda America.
Si kastaba ha ahaatee, mashruucan ayaa ka dhigi doonaa mid ganacsi dhexmara Afrika iyo America iyo sidoo kale gobollada u dhexeya iyada oo loo marayo isku xirnaan aan kala go’ lahayn.