Qaramada midoobey oo dalbatay balaayiin lacag ah oo wax looga qabto xaalado baniaaddanimo oo haysta qaxootiga Suuriya

0
526

Hay’adaha gargaarka ee qaramada midoobay ayaa dalbanaya malayiin lacag ah oo wax loogu qabto dadka dhibataysan ee Syria kuwaas oo ay isugu darsameen saboolnimo ,gaajo iyo weerraro joogta ah oo ay wajahaan .
Qaramad midoobay ayaa sheegaty in 4.2 bilyan oo lacagtan ah la doonayo in wax looga qabto dadka tabaalaysan ee ku nool gudaha dalka Syria, halka 5.8 bilyan ee kalana loogu tala galay qaxootiga u dhashay Suuriya ee ku sugan wadamada bariga dhexe.
Warbixintan ay soo saaratay qaramad miidoobay ayaa lagu sheegay in 24 milyan oo u dhashay Suuriya ay hadda u baahan yihiin gargaar baniaadanimo.
Tiradan ayaa ah tii ugu badnayd tan iyo 2011-ki xiligaas oo ahayd wakhtigii uu bilawday dagaalka sokeeye ee dalkaasi ka socda oo haatan toban jirsaday.