Madaxa wasiirrada ee dalka Musalia Mudavadi oo shalay ka safray wadanka ayaa shaaciyay inuu gaaray caasimadda dalka Nigeria ee Abuja.
Waxaa uu halkaasi ku matalaya madaxweynaha dalka William Ruto isagoo maanta ka qayb geli doono caleema-saarka madaxweynaha cusub ee Nigeria Bola Axmad Tinubu.
Xafladda caleema–saarka ayaa ka dhici doonto fagaaraha Abuja Stadium.
Mudavadi ayaa qoraal uu soo dhigay barahiisa rasmiga ee Facebook-ga iyo Twitter-ka ku sheegay in munaasabadda berri ka dhacaysa Nigeria ay tahay midii Toddobaad ee hoggaanka la isku wareejiyo wuxuuna Tinubu noqonaya madaxweynihii 16-aad ee soo maro Nigeria.
Musalia ayaa intaasi ku daray in dalalka Kenya iyo Nigeria ay ka go’an tahay inay sii xoojiyaan xiriirka dibloomaasiyadeed iyo kan ganacsi ee ka dhexeya si fursado cusub loogu abuuro muwaadiniinta labada waddan.
Waxaa uu shacabka Nigeria uga mahadceliyay inay si diirran halkaasi ugu soo dhaweeyeen.
Kenya iyo Nigeria ayaa iska kaashada arrimaha wax soo saarka beeraha , tiknolojiyadda , adeegyada iyo tamarta la cusbooneysiin karo.
This will mark the 7th consecutive transition of power in Nigeria and H.E. @officialABAT will become the 16th President of the Federal Republic of Nigeria.
Kenya and Nigeria are committed to deepening their diplomatic and trade ties, enhancing mutual cooperation, and creating… pic.twitter.com/qYhoJXCwKz
— Musalia W Mudavadi (@MusaliaMudavadi) May 28, 2023




