Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhintay dooni ay saarnaayeen dad aroos ah oo kula dagtay xeebaha Waqooyi ee dalka Guinea sida ay sheegeen saraakiisha wadankaas.
Dadkan ayaa ka soo laabtay aroos ka dhacayay aagga Kanfarande xilligii ay la qalibantay doonta sida laga soo xigtay sarkaal ka shaqeeya badaha.
Sarkaalka ayaa intaa ku daray in tirada dadkii saarnaa doonta ay ahayn mid cayiman balse la buux dhaafiyay.
Xasan Sanoussi Camara oo matalayay dowladda Guinea ayaa xaqiijiyay dhimashada 15-ka qof.
Waxaa sido kale la sheegay in dad gaarayo 20 laga soo badbaadiyay shilka.