Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Maxkamadda oo xannibtay hantida mid ka mid ah shaqaalaha ismaamulka Nairobi

Maxkamadda oo xannibtay hantida mid ka mid ah shaqaalaha ismaamulka Nairobi

Guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa helay amar maxkamadeed oo lagu xannibaya hanti uu qiimaheedu yahay 537 milyan oo shilin.
Maxkamadda sare ee dalka ayaa go’aanka ay soo saartay u aaneysay in Michael Auka Ajwang oo ka shaqeeya waaxda soo iibinta agabka ee dowladda hoose ee ismaamulka Nairobi uunan faahfaahin ka bixin sida uu dhaqaalahan ku helay.
Baaritaannada ayaa muujinaya in Ajwang uu hantidan yeeshay intii u dhexeysay bishii Koowaad ee sanadkii 2014 iyo bishii Lixaad ee sanadkii hore in kastoo mushaarkiisa billaha uu yahay 21,000 oo shilin.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in muddadan dakhliga Ajwang ku soo galay si sharci ah uu noqday 2.1 milyan.
Hasa ahaate baaritaanno uu sameeyay guddiga EACC ayaa lagu ogaaday in qofkan uu leeyahay sagaal dhisme oo qaab ijaar ah lagu deggan yahay waxaana ka mid ah maqaaxi wayn oo ku taalla agagaarka waddada u dhexeysa Kisumu iyo Bondo.
Sidoo kale hantida Ajwang ee hadda la xannibay waxaa ka mid ah 10 baabuur oo kuwa qaaliga ah.
Guddiga EACC ayaa ku doodaya inay suurtagal tahay in hantidan laga macaashay musuqmaasuq iyo fal dambiyeed dhaqaale.
Qaar ka mid ah hantida ayaa waxaa leh xaaska Ajwang iyo shirkado xiriir la leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments