Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Taliyaha guud ee booliiska oo kulan la qaatay saraakiisha howlgabka noqday

Taliyaha guud ee booliiska oo kulan la qaatay saraakiisha howlgabka noqday

Taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka Japhet Koome ayaa la kulmay mas’uuliyiinta ururka qaran ee ay ku mideysan yihiin saraakiisha horay uga tirsanaa waaxda booliiska ee howlgabka noqday (NARPOK).
Kulanka ayaa ka dhacay xarunta dhexe ee adeegga booliiska ee magaalada Nairobi.
Shirka ayaa diiradda lagu saaray horumarrada uu ururkan sameeyay iyo xaaladaha xubnaha ka tirsan si gaar ah in la aasaaso caymis caafimaad oo lagu fududeyn karo caqabadaha saraakiisha soo wajaho marka ay shaqooyinka ka fadhiistaan.
Wafdiga la kulmay Koome waxaa hoggaaminayay taliyihii guud ee booliiska ee ugu horreeyay David Kimaiyo.
Kulanka ayaa looga hadlay muhiimadda ay leedahay in saraakiisha booliiska ay xilli hore u diyaar garoobaan howlgabnimada oo ay maalgashi sameeyaan iyagoo adeegsanaya ururka Police Sacco.
Taliyaha guud ee booliiska dalka Japhet Koome ayaa dhankiisa askarta uga mahadceliyay dadaalkoodi sanadihii ay qaranka u adeegayeen.
Sidoo kale waxaa uu booliiska hadda shaqeynaya ku boorriyay inay iskaashi dhow la yeeshaan kuwa howlgabka noqday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments