Waxaa 23-kii bishan baahinay cabasho ay ka soo yeertay qaar ka mid ah mas’uuliyiinta iyo ganacsatada xerada qaxootiga ee Xagardheer oo dhaliil u jeediyay dadka deegaanka Fafi oo ay muddo badan wada noolaayeen.
Waxay hoosta ka xarriiqeen in dadka deegaanka ay culeysyo saareen ganacsiga qaxootiga Xagardheer.
Haddaba, qaar ka mid ah waxgaradka iyo hoggaanka dhaqanka ee deegaanka Fafi ayaa ka jawaabay tabashooyinka ka soo yeeray qaar ka mid ah qaxootiga Xagardheer.
Waxgaradkan oo la hadlay warbaahinta Star ayaa sheegay in eedeynta loo jeediyay aysan waxbo ka jirin.
Waxaa ay intaasi ku dareen inay diyaar u yihiin wixii cabasho oo macquul ah inay dhageystaan, islamarkaana dadka qaxootiga iyo deegaanka ay yihiin bulsho walaalo ah oo nabad daris wanaag iyo kalsooni isku qaba.