Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Wasiirka arrimaha gudaha oo ka warbixiyay baaritaannada Shakahola

Wasiirka arrimaha gudaha oo ka warbixiyay baaritaannada Shakahola

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa sheegay in ilaa iyo hadda tirada rasmiga ee meydadka laga soo saaray xabaal wadareedyada keynta Shakahola ee ismaamulka Kilifi ay tahay 241.
Waxaa uu intaasi ku daray in mid ka mid ah 91 qof oo laga soo samatabixiyay keynta uu geeriyooday galinkii dambe ee shalay.
Kindiki ayaa xusay in qofkan oo aad u liitay uu diiday in cunno la siiyo.
Sidoo kale 19 qof ayaa ilaa iyo hadda dib ula midoobay ehelladooda
Wasiirka arrimaha gudaha ayaa laga soo xigtay in dhacaanka hidde-sidaha ee DNA laga qaaday 94 ruux halka dadka loo xiray dhacdooyinka isa soo taraya ee Shakahola ay yihiin 34 qof.
Sidoo kale waxaa uu wasiirku sheegay in xabaal wadaredyo dheeraad ah lagu arkay aaggaasi balse la eegi doono marka la soo gabagabeeyo qalliinnada baaritaannada ah ee maanta lagu sameynaya 129 meydad ah.
Kindiki waxaa uu tilmaamay in loo baahan yahay in la banneeyo goobta meydadka la dhigo ee isbitaalka deegaanka Malindi.
Sidoo kale waxaa uu wasiirka warbaahinta u sheegay in dadka taabacsan baadariga kaniisadda Good News International Paul Mackenzie ee ku dhuumaaleysanaya keynta Shakahola si aynan gacanta ugu dhigin ciidamada inay hadda u carareen dhanka Galana Kulalu iyo seeraha Tsavo.
Dhanka kale dowladda dhexe ayaa muddo 30 cishe oo dheeraad ah ku kordhisay bandowga horay loogu soo rogay Chakama ranch oo ku taalla Kilifi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments