Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Dowladda Pakistan oo ka baaran degaysa inay mamnuucdo xisbiga Imran Khan

Dowladda Pakistan oo ka baaran degaysa inay mamnuucdo xisbiga Imran Khan

Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga ee dalka Pakistan Khawaja Asif ayaa maanta sheegay in laga baaran degaya in wadankaasi laga mamnuuco xisbiga PTI ee uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalkaasi Imran Khan.
Waxaa uu wasiirku sheegay in arrinkan loo aaneynaya in PTI ay weerartay dowladda.
Khawaja Asif ayaa warfidyeennada u sheegay in xisbiga Imran Khan uu weeraray aasaaska dowladnimada taasoo aan loo dulqaadan karin.
Waxaa uu intaasi ku daray in la eegaya suuragalnimada xisbigan looga mamnuuci karo dalkaasi in kastoo baarlamaanka uu leeyahay go’aanka kama dambeyska ah ee lagu ansixinaya ama lagu hor istaagaya qorshaha dowladda .
Waxay wararku sheegayaan in haddii go’aankan lagu dhaqaaqo uu noqon karo mid ay ka caroodaan taageerayaasha Imran Khan tani oo sare u sii qaadi karta khilaafka kala dhexeya dowladda.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments