Hoggaamiyaha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio la Umoja-One Kenya ,Raila Odinga ayaa haweeneyda diiwaangelisa xisbiyada siyaasadeed ee wadanka Ann Nderitu ku dhaliilay go’aan ay dhawaan qaadatay.
Tani ayaa timid ka dib markii ay ansixisay isbeddel dhanka hoggaanka ah oo uu sameeyay xisbiga Jubilee.
Waxaa iseddelkan ku dhaqaaqay garabka Jubilee ee uu hor kacaya Kanini Kega oo ka mid ah xildhibaannada golaha xeer dejinta ee bariga Afrika ee EALA .
Waxay xisbiga Jubilee ka saareen xoghayihii guud Jeremiah Kioni iyo David Murathe oo guddoomiye ku xigeen ahaa.
Sidoo kale Sabina Chege ayay u magacaabeen xilka hoggaamiyaha Jubilee oo uu hayay madaxweynihii hore ee dalka Uhuru Kenyatta.
Jeremiah Kioni, David Murathe iyo qasnad hayihii Jubilee Kagwe Gichochi ayaa lagu eedeyay habdhaqan xumo iyo inaynan qadarin qaybaha maamulka ee xisbiga in kastoo siyaasiyiintan ay ku adkeysanayaan inay weli xilal hoggaamineed ka hayaan xisbiga oo aynan Kanini Kega iyo xulafadiisa ku eedeynayaan inay ku xadgudbeen xeerarka dastuuriga ah.
Raila Odinga ayaa dhankiisa dalbanaya in Jeremiah Kioni iyo siyaasiyiinta taabacsan loo aqoonsado inay yihiin mas’uuliyiinta rasmiga ee xisbiga Jubilee.
Waxaa uu wacad ku maray in haddii soo jeedintooda aan si degdeg ah loo dhaqangelin ay jirto saameyn ka dhalan karto mowqifka Nderitu.
Mr. Odinga ayaa ku doodaya in dowladda ay faragelin ku hayso arrimaha xisbiyada ka tirsan isbeheysiga mucaaradka ee Azimio in kastoo uunan eedeyntan caddeyn u soo bandhigin.