Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Ra’iisul Wasaarihii hore ee Pakistan oo helay damaanad maxkamadeed

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Pakistan oo helay damaanad maxkamadeed

Maxkamadda qaabilsan dhageysiga dacwadaha la xiriira argagixisannimada ee magaalada Islamabad ee dalka Pakistan ayaa damaanad ku siidaysay Ra’iisul Wasaarihii hore ee wadankaasi Imran Khan oo wajahaya kiisas dhowr ah.
Warbaahinta maxalliga ee Pakistan ayaa ku warramaysa in madaxa xisbiga (PTI) uu bannaanka damaanad ku joogi doono ilaa 8-da bisha Lixaad ee sanadkan ka dib markii lagu soo oogay ilaa 8 dacwadood oo ku saabsan shaqaaqo bishii Saddexaad ee sanadkan ka dhacday maxkamadda ugu sarreysa wadankaasi.
Sidoo kale xaaska Imran Khan ,Bushra Bibi ayaa iyadana heshay amar maxkamadeed oo ilaa 31-da bishan May ka badbaadinaya in loo xiro kiis ku aaddan musuqa oo ay la xiriirisay waaxda Pakistan u qaabilsan is xisaabtanka ee (NAB).
Imran Khan ayaa galinka dambe ee maanta ka soo hormuuqan doono maxkamad ku taalla magaalada Rawalpindi.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments