Waxaa lagu soo warramayaa in weerarro loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn xalay laga gaystay gobolka Belgorod ee dhaca xadka ay wadaagaan waddamada dariska ah ee Ruushka iyo Ukraine.
Waxaa dhacdooyinkan xaqiijiyay guddoomiyaha gobolkaasi Vyacheslav Gladkov.
Hasa ahaate ilaa iyo hadda lama soo tabin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay weerarrada.
Tani ayaa imaanaysa hal maalin un ka dib markii Ruushka uu sheegay inay gobolkaasi soo galeen koox hubeysan oo ka timid dhanka Ukraine.