Dowladda dhexe ee dalka ayaa sheegtay inay sii wadi doonta inay tallaabo sharciyeed ka qaado hoggaamiyayaasha diimeed ee marin habaabinaya dadka ku xiran.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa sheegay in sidoo kale cid waliba oo ku howlan faafinta caqiidooyinka halista ah tallaabo laga qaadayo.
Prof. Kithure Kindiki ayaa xusay in sharciyeynta kaniisadaha ay tahay mid aan la joojin karin, inkastoo qaar ka mid ah madaxda kaniisadaha ay arrintan ka soo horjeedaan