Baadariga kaniisadda New Life Church Ezekiel Odero ayaa loo fasaxay inuu adeegsado akoono bangiyadeed oo maalmo ka hor laga xannibay.
Amarkan ayaa yimid ka dib markii ay dhammaatay muddo 15 cishe ahayd oo ay maxkamaddu sheegtay inay sii xannibnaanayaan akoonnada.
Go’aanka maxkamadda ayaa yimid ka dib markii sarkaalka sare ee baaritaannada sameynaya Martin Munene uu maxkamadda u sheegay inuu helay dokumeentiyo uga yimid bangiyada sidaasi awgeedna uunan diiddanayn in baadariga loo fasaxo.
Ka dib su’aal uu waydiiyay qareenka baadariga matalaya oo lagu magacaabo Danstan Omari, ayuu Munene hoosta ka xarriiqay in dokumeentiyada soo gaaray ay muujinayaan in akoonnada aan lagu diiwaangelin magaca baadariga la haysto.
Hasa ahaate waxaa uu ka soo horjeestay codsi ahaa in maxkamadda ay shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom ku qasabto inay soo bandhigto macluumaadka adeegga lacagaha la isugu diro ee Mpesa ee baadariga maadaama ay shirkaddu codsigaasi ka jawaabin.
8-dii bishan ayay ahayd markii akoonnada la xannibay si aan lacago loogala bixin xilligaasi oo baadariga la qabtay.
Akoonnadan ayaa kala ah kuwa kaniisadda uu hoggaamiyo iyo dugsiga caalamiga ee Kilifi International School.
Dacwaddan ayaa la soo hadal qaadi doonaa maalinka Talaadada ee isbuuca dambe.