Waxaa lagu soo warramayaa in caasimadda dalka Suudaan ee Khartoum laga gaystay duqeymo dhanka cirka ah.
Tani ayaa imaanaysa saacado un ka hor inta uunan xalay dhaqan gelin heshiis xabbad joojin ah oo dhinacyada ku dagaallamaya Suudaan ay dhawaan saxiixdeen.
Heshiiskan ayaa la isla gartay inuu shaqeeyo toddobo cishe.
Suudaan ayaa waxaa saameeyay dagaallada u dhexeya militariga iyo ciidamada sida militariga u tababaran ee RSF oo soo billowday 15-kii bishii hore.