DHAGEYSO:Garabka Jubilee ee taabacsan Uhuru oo 12 qof xisbiga ka saaraya

0
299

Waxaa weli la dareemaya kala qaybsanaanta ka dhex jirta xisbiga siyaasadeed ee Jubilee.
Garabka Jubilee ee uu hoggaaminaya madaxweynihii hore ee dalka Uhuru Kenyatta ayaa xisbiga ka saaray siyaasiyiin lagu eedeyay inaynan xisbiga daacad u ahayn.
Waxaa ka mid ah Kanini Kega oo ka tirsan golaha xeer dejinta bariga Afrika ee EALA, Sabina Chege ,Joshua Kutunny, Naomi Shaban ,Jimi Angwenyi ,Kinoti Gatobu ,Peter Mositet ,Nelson Dzuya iyo wakiilka haweenka ee Kitui Racheal Nyamai.
Sabina Chege oo ahayd ku xigeenka madaxa siyaasiyiinta laga tirada badan yahay u qaabilsan dhanka nidaamka ee baarlamaanka ayaa lagu beddelay mudanaha deegaanka Galbeedka Embakasi David Mwenje.
Waxay sidoo kale magacaabeen xubno kala oo xisbiga u qabanaya xilal kala duwan.
Hasa ahaate Kanini Kega ayaa arrinkan gaashaanka u daruuray wuxuuna sheegay in Uhuru uunan awood u lahayn inuu isugu yeero shirweynaha ergada qaran ee Jubilee ee NDC ee shalay qabsoomay.